December 1, 2016 | Posted by admin

Magaalada Muqdisho waxaa xalay ku geeriyooday abwaan Cabdi Jacaf oo ka tirsanaa Hobalada Fanka soomaaliyeed waxa uuna xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Abwaan Jacaf ayaa waxaa la sheegayaa in uu ugeeriyooday xanuuna soo wajahan oo ku aadan xanuunka kaadi macaanka ama Sokorta.

Abwaan jacaf ayaa waxa uu ka mid ahaa Majaajiliistayaasha sida wayn looga yaqaano Muqdisho loogana Jecel yahay.

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu aaso abwaanka.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS