October 23, 2012 | Posted by admin
DUHUR-Sida lagu qoray wargeyska The Long War Journal oo ka soo baxa dalka Maraykanka Cumar Xamaami oo sidoo kalena la yiraahdo Abuu Mansuur Al-Amriki kana mid ah ah dagaalyahanada aan Soomaalida aheyn ee ka bar bar dagaalama Xarakada Al-Shabab ayaa sheegay inuu jiro khilaaf ka dhaxeeya dagaalyahanada Soomaalida ah ee Al-Shabab ka tirsan iyo kuwa Al-Qacida ee aan Soomaalida aheyn ee gudaha Soomaaliya ka dagaalama.
Wargeyska oo soo xiganaya cajalad muuqaal ah oo uu Abuu Mansuur Al-Amriki soo dhigay barta YouTubeka ayaa waxaa uu sheegay inuu meel halis ah marayo khilaafka ka dhaxeeya dagaalanyahanada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajaanibta ah, kaasoo uu xusay inuu jiray bilihii lasoo dhaafay.
Abuu Mansuur Al-Amriki waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in khilaafkaan uu ka dhashay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Amiirada ama hogaamiyaasha Xarakadda Al-Shabab iyo sidoo kale xubnaha aan Soomaalida aheyn ee dagaalada ku caawiya kuwooda ugu sar sareeya sida uu hadalka u dhigay.
Wargeyska warkan qoray ee The Long War Journal oo sheegay inuu soo xigtay bogga uu Al-Amriki muuqalada Yuotube kasoo galiyo ee la yiraahdo Somali muhajir-warrior ayaa waxaa uu xusay inuu aaminsan yahay in xubnihii Al-Qacida ka tirsanaa ee Soomaaliya lagu dilay ay dhamaantood sababsadeen khilaaf soo kala dhex galay Soomaalida iyo Ajaanibta ka bar bar dagaalanta.
Hadalka Cumar Xamaami waxaa ku jira xubno ay ka mid ahaayeen Abu Dalxa Al Sudani, Abu Abdullah al Sudani, Abu Mansour al Bayxaani, Saleh Cali Nabhan,iyo Abu Fadl al Qamri, oo dhamaantood Soomaaliya lagu dilay la dilay kadib markii uu soo if baxay khilaaf kala dhaxeeyay xubnaha Al-Shabab ugu fir fircoon.
Xaaladda Soomaaliya ayuu xilligaan ku tilmaamay inay marayso meel adag oo ay ku dhiban yihiin waxa uu ugu yeeray Muhaajiriinta Al-Qacida inkastoo uusan ka hadlin arrimo isaga khuseeya oo arrintani saameynayso.
Is faham xagga diinta iyo aragtiyooyinka kale ayuu sheegay inuu salka ku hayo khilaafka dhex taagan Al-Shabab iyo xubnaha Al-Qacida ee Soomaaliya jooga taasoo uu ku macneeyay haddii aan wax laga qaban inay saameyn ku yeelan doonto dagaalka Jihaadka ah ee dunnida ka socda sida uu yidhi Abuu Mansuur Al-Amriki.
“Waxaan ka cabsanayo ayaa ah in arrintan ay wadaan kuwa diidan joogitaanka muhaajiriinta ee dalka Soomaaliya waana arrin saameyn doonta Jihaadka socda”ayuu hadalkiisa ku yiri.
Abuu Mansuur Al-Amriki oo Cumar Xamaamina la yiraahdo una dhasshay dalka Maraykanka oo la aaminsan yahay inuu Al-Qacida ku biiray wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 ayaa sanadkan gudihiisa dhowr jeer soo diray cajalado uu uga hadlayay xaaladda Soomaaliya waxaana uu mar sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto oo uu ka cabsi qabo inay Shababku dilaan.
Xigasho: Omar Hammami says ‘friction’ exists between Shabaab, foreign fighters
Gd/duhur
COMMENTS