September 29, 2016 | Posted by admin

Muqdisho-29-09-2016- War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Cali Baashi Maxamed, ayaa lagu sheegay in duqeyta 27.09.2016 ka dhacday bariga magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka islamarkaana lagu dilay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Gen Calibaashi wuxuu sheegay in taliska Xoogga Dalka Soomaaliya uu Caddeynayo in dadka ku dhintay duqeyntaasi aysan Xiriir la laheyn al shabaab, deeganadaasina aysan wax saameyn ah ku lehyn kooxdaasi, waxa halkaa ka dhacayna uu ahaa Shil ku dhacay si qaldan “Dab Saaxiibtinimo”,

“Dab Saaxiibtinimo ayuu ahaa Shilkaasi, Xiriir ayaan kala sameynay hay’adihii ay Qeyseysay arrintaasi, baaris ayaan ku sameynay, taliskuna wuxuu caddeynayaa in dadkii masaakiinta ahaa iyo ciidamada lagu laayay duqeyntaasi aysan wax lug ah ku laheyn Al-shabaab, deegaankaasina aysan shabaab joogin” ayuu yiri Gen Calibaashi.

Abaanduulaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu sheegay in shilkaasi uu ahaa mid dhibaato xoog leh ay kasoo gaartay dadka deegaanka uuna sababay qaasaare naf iyo maalba leh, ciidamada waxyeellada ba’an uu gaarayna ay deegaankaasi ka wadeen howlo samafal ah.

Ugu dambeyntii taliska Xoogga dalka ayaa  ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay isdajiyaan, ariintaasina gacanta lagu hayo meelna aysan uga haridoonin, xanuunkana ay la qeybsanayaan ehllada iyo qoysaska dadka sida xaqdarada ah loogu Xasuuqay Duqeynta ay Mareykanku ka fuliyeen duleedka magaalada Gaalkacyo.

Muqdisho Daacad.

COMMENTS