December 2, 2016 | Posted by admin

Siyaasiga Aadan Saransoor lagu magacaabo ee ka soo jeeda Knfur galbeed ayaa   eedeyn usoo jeediyay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed iyo  Guddiga doorashada Maamulkaasi  isagoona ku eedeeyay iney Mususq-Maasuqeen doorashada ka socota Magaalada Baydhabo.

Aadan Saran Soor oo kamid ahaa xildhibaanada ku tartameysay kursi kamid ah Kuraasta taala Magaalada baydhabo  ayaan doorashada galin sida uu sheegay,

Waxa uu sheegay in asiga oo aan ka warqabin in ay dhacday Doorashada Kuriga uu utartamayay kadib markii aan lagu soo wargalin Doorashada.

cabashadayda waxaan  u ugudbiyay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka waxa uuna sheegay in uu ka sugayo  go’aanka in ay ka soo saaraan Doorashada Kuriga la musuq maasuqay.

Waxaa kale  uu sheegay in xili habeen ah kursigiisa lagu tartamay, dadkana uu ka maqlay iney doorashada socoto taasina waxa uu sheegay in ay Tahay mid nasiib xuma ah.

Aadan Saran soor  ayaa hadalkiisa Raaciyay in Ciidankiisa ay qafaasheen laba kamid ah ehelada Madaxweynaha Maamulkaasi shariif Xasan Shiikh aadan  oo mudo Saacada ah ay heysteen, balse dood dheer kadib  la sii daayay.

Dhinaca Kale waxa uu eedeyn ujeediyay Ciidanka AMISOM ee ka socda Dowladda itoobiya ee Halkaasi ku sugan.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS