October 7, 2017 | Posted by admin

Xisaabiya guud ee Qaranka Marwo Faadumo Cismaan Faarax ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay xilka xisaabiyaha guud  ee Qaranka oo aan khamiistii aan ka soo gudubnay loo magacaabay.

Munaasabada xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Madaxtooyada Soomaaliya,Xafiiska Raiisul Wasaaraha Soomaaliya,Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya,maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Xisaabiyihii hore ee Qaranka Axmed Yuusuf Muumin(Siraaji) ayaa si rasmi ah xilkaasi ugu wareejiyay Xisaabiyaha Guud ee Cusub,iyadoo balanqaaday in waajibaadkii loo igmaday ay si hufan u gudan doonto.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka qeybgalay xil wareejintaasi ayaa ku booriyay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax,Xisaabiyaha Guud ee Qaranka in ay dardargeliso waajibaadka ay la wareegtay,islamarkaan u rajeeyey in uu eebe uu ku guuleeyo xilka loo magacaabay.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

COMMENTS