July 26, 2017 | Posted by admin

Ugu yaraan shan askari ayaa ku geeriyooday iska hor imaad goor dhow ku dhex martay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ciidamo ka tirsan Madaxtooyada iyo Ciidamo ka tirsan Nabadsugida.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaadkan oo ah kii 3aad oo saacado gudahood meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dhex mara ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Iska hor imaadka ka dhacay agagaarka Tiyaatarka ayaa ka dambeeyay, kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada ay maanta duhurkii joojiyeen gaari ay la socdeen ciidamada nabadsugida oo marayay Isgoyska Ceel Gaabta, xilligaasoo wadada ay xirneyd.

Wararka ayaa sheegaya muran ka dhashay marida wadada uu dhex maray labada ciidan, intaas kaddib ay is rasaaseyn ka dhex dhacday labada ciidan, kaasoo ay ku geeriyooday labo askari, halka mid kalena ku dhaawacmay.

Sidoo iska hor imaad kale oo u muuqda inuu daba socdo kii ka dhacay Isgoyska Ceel Gaabta ayaa Ciidamo ka tirsan madaxtooyada iyo Nabadsugida ku dhex maray agagaarka Tiyaatarka, halkaasoo muddo kooban ciidamada isku rasaaseynayeen.

Illaa saddex askari ayaa la sheegay inay iska hor imaadkaas ku geeriyoodeen, halka tiro kalena ku dhaawacmeen ka dib dagaal kooban oo ka dhacay agagaarka Guriga Hooyooyinka ee muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska hor imaadka dhex maray Ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa Nabadsugida uu ku dhintay Sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Ciise Jiijiile oo ahaa Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Saaka barqadii ayay aheyd markii ciidamada xasilinta oo howl gal ka wada degmada Wadajir, gaar ahaan xaafada Kaawo Godey ay isku dhaceen ciidamo kale oo ka tirsan Milateriga, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan.

Isku dhacyada dhex mara Ciidamada ayaa ah kuwo joogto ka noqday magaalada Muqdisho, waxaana sababa is faham la’aan iyo Ciidamada kala duwan ee dowladda ee ka amar qaata Talisyada ciidan ee kala duwan.

COMMENTS