April 26, 2017 | Posted by admin

Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn
“Reporters Without Borders” oo Xaruntiisa
Dhexe ku taalla Caasimaadda dalka Faransiiska ee
Paris waxay maanta saareen Qiimeynta
Xorriyadda Saxaafadda Caalamka ee sannadkan
“2017 World Freedom Press Index 2017”.
Qiimaynta waxaa lagu sameeyey 180 Waddan oo
isugu jira kuwo Suxufiyiinta lagu xushmeeyo iyo
kuwo Talis Keliyayaal ka jiraan oo caburiya
Suxufiyiinta, lagana oggolayn Xorriyadda
Saxaafadda.
Qiimeynta waxaa Kaalimaha hore loo kala helay
sidatan:
Norway
Sweden
Finland
Denmark
Netherland (Holland)
Costa Rica
Swiyzerland
Jamaica
Belgium
Iceland
Markaynu eegno Qiimeynta Xorriyadda
Saxaafadda ee dalalka Qaaradda Afrika ee
sannadkan waxaa ugu horreysa dalka Nambia oo
kaalinta 24-aad ka gashay Liiska 180-ka Waddan
ee Kala-horeynta Qiimaynta ee 2017 World Press
Freedom Index.
Dalalka kale ee Afrika ee safka hore ka galay
Qiimayntaasi waxaa ka mid ah Ghana o ogashay
Kaalinta 26-aad iyo Jesiiradda Cape Verde oo
gashay Kaalinta 27-aad.
Liiska Afrika ee 10-ka sare (Africa’s top 10 list)
waxaa kale oo ka mid ah dalalka South Africa,
Burkina Faso, Botswana, Mauritania, Mauritius,
Madagascar iyo Senegal.
Qiimaynta Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka
Lahayn “RSF” oo soo taxnayd tan iyo sannadkii
2002-dii, waxaa lagu qiimeeyaa Heerka
Xorriyadda Warbaahinta, Xushmadda,
Badbaadada iyo Xorriyadda Suxufiyiinta.
Haddaba, dalkeenna Somalia oo ka mid ah
dalalka Tacadiyadda iyo Caburinta kala kulmaan
Suxufiyiinta waxa uu Qiimeyntaasi ka galay
Kaalinta 167-aad, waxayna taasi muujinaysaa
inaysan Suxufiyiinta hab-dhowr Wanaagsan ku
helin Shaqadooda, isla markaana ay ku
shaqeeyaan Waayo Dareen Cabsi xambarsan.
Qiimeynta Ururka Suxufiyiinta ee RSF waxay
Somalia kga jirtaa Kaalinta 167-aad, waxaana ka
hoos maray 11 Waddan oo kala ah: Sacuudiga,
Usbekistan, Los, Equatorial Guinea, Djibouti,
Cuba, Sudan, Vietnam, China, Syria,
Turkmenistan, Eritrea iyo North Korea.
Halkan ka dheeho Qiimeynta oo dhamaystirn:
2017 World Press Freedom Index.
Xigasho: RSF.

Maxamed Daacd Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS