April 25, 2017 | Posted by admin

Maxkamadda
Ciidamada Qalabka Sida qeybteeda 60-aad, ayaa
saaka mar kale toogatay askari ka tirsanaa
ciidanka Booliska maamulka Koonfur-galbeed Ee soomaaliya.
Askariga maanta Xukunka Dilka ah lagu fuliyay
ayaa horay u dilay Nin Oday ah, waxaana uu
dhaawacay Labo Wiil oo uu dhalay ninka la
dilay.
Toogashada askariga ayaa ka dhacday Duleedka
Magaalladda Baydhabo, waxaana ka qeyb-galay
masuuliyiin ka tirsan Maxkamadda.
Shalay oo isniin aheyd, taariikhdana ay ku
beegneed 24 April, ayaa sidan oo kale
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta
60-aad magaalladda Baydhabo ku toogatay Afar
qof oo Maxkamadda sheegtay in ay ka
tirsanaayeen Al Shabaab.
Afarta nin ee shalay la toogtay ayaa lagu
eedeyay in ay ku lug lahaayeen Qaraxyo Dad
badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalladda
Baydhabo Bishii February ee Sanadkii hore.
Dhinaca kale, 22-kii Bishan April, Maxkamadda
ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ku
fulisay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska oo
lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maadeey.
Askariga toogashada lagu fuliyay ayaa degmada
Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay
nin la oran jirey Maxamed Cali Cabdalla
05-01-2016-dii.

COMMENTS