March 27, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay isku diyaarinayaan inay isaga baxaan degmadaas.

Sida ay sheegayaan warar laga helay dadka deegaanka, Ciidamada Itoobiya ayaa tan iyo xalay ku guda jiray diyaar garow guuritaan ah.

Wararka ayaa sheegaya in gawaari fara badan oo kuwa xambaara Taangiyada ay ka soo ambabaxeen degmada Dhuusa Mareeb, iyagoo ku soo wajahan Ceelbuur.

Gawaaridan ayaa la sheegay in ujeedkooda yahay inay daabulaan ciidamada ku sugan Ceelbuur iyo taangiyadooda, waxaana dhaq dhaqaaqyada si aad ah looga hadla hayaa degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb.

Illaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan wararkan sheegaya in Ciidamada Itoobiya qorsheynayaan inay isaga guuraan Ceelbuur.

Ciidamada Itoobiya ayaa la wareegay degmada Ceelbuur bishii March ee sanadkii 2014, xilligaasoo Al-Shabaab ka saareen, waxaana tan iyo xilligaas degmada ku jirtay xaalad go’doon ah, iyadoo inta badan dadkii deegaanka ay isaga guureen.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo dib deegaanadaas ula wareegeen Al-Shabaab.

shalay ayaa laga war helay dhaq dhaqaaqyo ciidamada ciidamada Itoobiya ay ka bilaabeen Qaar ka mid ah Gobalada Dalka Soomaaliya.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS