December 7, 2016 | Posted by admin

Ciidanka  Ahlusunna ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku xiray Labo Mas’uul oo mid kamid ah uu la soo shaqeeyay Maamulkood,kuwaas oo Maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Cadaado islamarkaana gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Labada Mas’uul ee maanta la xiray  ayaa lagu kala Magacaabaa Burhaan Axmed Rooble  iyo Duraan Cali Maalin.

Burhaan ayaa la sheegayaa in uu la soo shaqeeyay Maamulka Ahlusuna waxa uuna soo noqday Guddoomiye Kuxigeenkii Magaalada Dhuusamareeb Maamulka Ahlusunna

Labada Mas’uul ayaa la sheegay in Maal-mihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Magaalada Cadaado oo hada xarun u ah maamulka Galmudug.

Ciidama ka tirsan Maamulka ahlusuna ee dhuusamareeb ayaa Maanta xabsiga dhigay sida wararka aan ku helnay.

Maamulka ahlusun wili ma aysan ka hadlin xariga ay dhuusamareeb ugu gaysteen xubnaha ka tegay cadaado oo qaar kood maamulka dhuusamareeb xariir wanaagsan la lahaa.

Ahlusuna ayaa maamula magaalada dhuusamareeb oo xarun u ah  gobalka galgaduud waxaana maamulka galmudug xiligaan Xarun K,M,G ah u ah Magaalada Cadaado.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS