May 17, 2015 | Posted by admin

gud1
War goor dhow kasoo baxay xafiiska gudoonka Baarlamaanka Maamulka Puntland, ayaa waxaa lagu laaday mooshin ay soo codsadeen 21 xildhibaan oo dalbadayn in baarlamaanka la iskugu yeero kalfadhi aan caadi ahay.

Saciid Xasan Shire oo soo saaray warbixinta ayaa sheegay inaysan suuragal aheyn in la qabto Mooshinka, kadib markii uu sheegay in in dalabka kalfadhi uusan gaarsiisneyn heerkii loogu talo galay in lagu qabto.

Gudoonka Baarlamaanka wuxuu sidoo kale, sheegay in sida ku cad qodobka 65-aad farqadiisa 2-aad ee Dastuurka aysan xildhibaanada keenin mooshin buuxiyey shuruudaha looga baahnaa sidaasna u laalan yahay kalfadhiga iyo mooshinka.

COMMENTS