January 13, 2013 | Posted by admin

Hay’adda nabad-sugidda gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigtay toddobo qof oo dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Taliyaha nabad-sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan.

Ereg wuxuu sidoo kale sheegay in toddobada qof ee dhallinyarada ah uu mid ka mid ah yahay horjooge.

Howlgalka waxaa laga sameeyay degmooyinka Heliwaa, Yaaqshiid iyo Dayniile.

Taliyaha nabad-sugidda wuxuu sheegay inay joogto noqon doonaan howlgallada lagu sugayo amniga.

COMMENTS