August 30, 2014 | Posted by admin

Hargeysa – Oday-dhaqameedyada gobolada galbeedka Somaliland oo tiradoodu dhan tahay 25 ayaa muddo todobaad ah ku sugan magaalada Hargeysa, iyagoo u yimid Ballan ay hore ula lahaayeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo si ay ugu soo bandhigaan tabashooyin isgaadhay oo ay ka tabanayaan maamulka Somaliland. Oday-dhaqameeyada ayaa madaxweynaha u gudbiyay qoraala ka kooban dhowr iyo labaatan page oo qeexaya ndaamaka cadaalada darada ka jirta Somaliland.
JAMHURIYADA SOMALILAND
Boorama,

HOGAANKA DHAQANKA EE BEELAHA GEDABUURSI
Ku: Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland
Mudane Dr.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Warbixin

Mudane Madaxweyne anagoo ku hadleyna magaca ummada ku nool goblada Awdal iyo Salal waxan kuu soo gudbineynaa salaan annagoo kugu salaameyna salaanta islaamka asalamu calaykum waraxmatullahi waxan allaha awooda badan kaaga baryaynaa cimri dheer iyo caafimaad qab ummada somalilandna nabadgelyo midnimo iyo horumar waxan kale oo aan ilaahay kaaga rajeyneynaa inuu xilkaad hayso kugu asturo.
Mr.president waxan si xushmad iyo sharaf leh kuula socdsiineynaa in safarkayagan shaqo aanu ahayn kii ugu horeeya ee nuuciisa ah ee duqey iyo waxgarad ay u yimaaden madaxeynaha dalka waase markii ugu horeysay ee aan annagoo gobol ahaan isku dhan aan nimaadno magaalo madaxda dalka ee hargeysa si aan kulan kuula yeelano, iyadoo booqashadayadu kusoo beegantay waqti xasaasi ah oo ay tahay in ummadda Somaliland ay adkeeyaan midnimadoda iyo wadajirkooda xoogana saaraan ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida dadweynaha.
Mudane madaxweyne annagoo ah hooyadii iyo aabahii Somaliland wax aan wax la aqbalin Karin ah xaaladaha ka taagan meelo dalka ka mida oo joogto lagaga baaqayo isbahaysiyo magacyo qabiila oo wax u dhimeysa midnimada ummada iyo jirtaanka qaranimada taasi oo ay calanka u sidaan kooxo siyaasada ku margaday oo ay la tahay inay sidaa ugu badineyso balse ka shaqeynaya inay dalka ka aloosaan xasarad iyo dagaalo sokeeye oo dalka u horseeda xaalad la mida tan ay ku sugn yihiin allaha ka saaree walaalahena Somalia.
Mudane madaxweeyne xukuumadan maanta aad gadhwadeenka ka tahay markay garwaaqsatay taariikhda dahabiga iyo muhiimada ay beelaha awdal u leeyihiin jiritaanka qaranimada Somaliland iyo dawrkii shariifka ahaa ee ay kasoo qaateen abaabulkii, nabadayntii iyo ebyidii jamhuuriyada Somaliland, sidoo kale samirkii badna ee umadu ugu soo dhabar adaygtay dhibaatooyinkii soo gaadhay iyo wax ka qabad la’aanta tabashooyinka saami qaybsi iyagoo ahaa:-
Kuwii dhisay Somaliland ee doorka weyn ka qaatay najaxintii shirkii burco 1991
Kuwii abaabulay shirarkii nabadeynta berbera ,sheik,burco , hargeysa iyo beelaha galbeed.
Gobolkii dawladnimada Somaliland bilaabay ee shirkii borama 1993 hirgiliyey
Kuwii hormood ka ahaa nabadeyntii beelaha dhexe iyagoo naf iyomaalba u huray soo afjaridii xasaradihii ka oogmay hargeysa , berbera ,burco iyo meelo kale.
Wax garadkii umada u horseeday jaamacido,wadooyin,dugsiyo wax lagu baro dhagoolayaasha,horumarinta adeega bulshada iwm.
Iyagoo waxkasta oo dhib ah oo soo gaadha ku samray dal iyo dad jacayl.
Mudane madaxweeyne waxaad qaaday talaabooyin horumarineed oonu u aragno inay dadka usoo halgamay dhismaha Somaliland u noqonayso talaabo uu xaga fiican u qaaday dhiiri galina u noqonaysa umada awdal sida kuwa kale ee soomaliland ee jecel dalkooda iyo dadkoodaba. Waxa xusid mudan guulaha la taaban karo ee aad fulisay oo taariikhda gali doonta haday siday tahay u hir galaan, waxa ka mid ah mudana in la xuso:-
Dhagax dhigga dakada lughaya
Dhagax dhigga wadada borama-lawyacado.
Sidoo kale waxa lama iloobaan ah qaybta libaax ee xukuumadaadu ka qaadatay wadada dila- boorama oo xukuumadu inta badan ay dhistay.
Mudane madaxweeyne anagoo maskaxda ku hayna waxqabadka xukuumadaada oo ay mudantahay in aan kugu bogaadino bacdamaa la yidhi ninka aan dadka u mahad celin ilaahayna uma mahad celiyo hadana taasi macnaheedu maaha in aanay tabasho jirin.
Borama oo ah magaalo madaxda beelaha galbeedka Somaliland markii lagu dhisay 1993 dawladii ugu horeysay ee dimuqraadi ah waxay waxgaradkan beelahan ku tashadeen in xooga saaraan dhismaha dawldnimo balse aanay ku xisaabtamin saamigii dawlidnimo ee ay xaqa u lahaayeen bacdamaa marti loo ahaa kuna dadalayeen muddo 6 bilood si ay u najaxi lahayd dhismo dawladnimo oo bilow ah iyadoo ay xasaradi iyo ismaandhaaf ka taagnaa garabyadii siyaasaded iyo milatari ee ururkii snm .
Sidoo kale watigii madaxweyne rayaale oo ka soo jeeday galbeedka Somaliland u hayey madaxweynenimada Somaliland waxa markale lagu tashaday inaan lagu xisaabtamin saamiga dawladnimo ee beelaha gedabursi xaqa u leeyihiin bacdamaa ay hogaaminayaan dalkan kursigii ugu sarreeyey uu ku fadhiyey madaxweyne rayale oo ay tahay in beelaha kale ee somalilnad uu iska xilsaaro tabashadooda.
Hadaba mudane madaxweyne maanta oo ah xilligii ugu haboonaa ee aan si mug leh u soo badndhigi lahayn tabashadayada xaqiiqada ku dhisan maadaama uu dalkii dhismay nabadgalyo balaadhana ku jiro dalkana uu madaxweeyne ka yahay rug cadaa siyaasadeed oo dalka iyo dadkaba xogogaal buuxa u ah hormuudna ka ahaa xoreyntii iyo dib u dhiska dawladnimada Somaliland annagoo kalsooni buuxda ku qabna wax ka qabashada tabashooyin saami qeybsiga dawladnimo kow ka tahay
Mudane madaxweeyne waxa xusid mudan israacii 1960kii ee labada gobol mushkaladaha la isku raacsanyahay ee keentay lasoo noqoshada madaxbanaanideenii waxa ugu waynaa cadaalad daradii aanu kala kulanay somaliya dhinaca awood qaybsiga inagoo la xuquuq noqonay gobol ka mid ah kuwii koonfurta.
Mudane Madaxweeyne taariikhdu iyadaa isa soo celise eh(history repeats it’s self) halkeebay reer awdal kaga jiraan saami qaybsiga dawladnimada Somaliland?
In ku dhaw 25 sano ama rubuc qarni ee Somaliland jirtay waxa dawlada Somaliland ka taagan arimo la mid ah kuwii saldhiga u ahaa lasoo noqoshadii dawladnimadeenii taasi oo beesha dhexe ka dagaalantay dalkana ka xoreeysay nidaamkii soomaliya ee duudsiyey xuquuqdii goboladii woqooyi ee soomali weeyn doonisteeda uu la midoobay koonfurtii.
Hadaba aan is waydiinee wixii shalay ay beesha dhexe ay ka dagaalantay ma ku haboontahay inay walaalahooda Somaliland u quudhaan gaar ahaan awdal oo ah rukunka u wayn ee dawladnimada Somaliland kuna dhaqaan sawir la mid ah tii soomaaliya ay Somaliland kula macaamilaysay,bal u fiirso isku eekaashahan aan la dafiri Karin:-
Saamiga dawladnimo ee koonfurtu ay siin jirtay Somaliland waxay u dhigmaysay inta gobol ama ardaa ka mid ah koonfurtu qaadanaysey.
Sidoo kale markale u fiirso :- dadka gobolka awdal waxa ay soomaliland siisaa wax u ka yar inta uu qaato ardaa ka mid ah ardaayada beesha dhexe iyadoo xilalka muhiimka ee dawladnimana aan waxba laga tixgalin beesha awdal iyo salal.
Hadaba sida ku cad shaxdan hoos ku qoran oo muujinaysa in beesha awdal tixgalin ku lahayn saami qaybsiga dawladeed oon u aragno arin lagu duudsiyey xuquuqdayada saami qaybsi waa sida tan hoos ku cad
No
Hayadda
Isaq
GBS
Others
Isugeyn
1
G.wasirada
26
05
12
43
2
Ag.wasirada
20
04
04
28
3
Madaxda hayadaha dawladda
38
03
02
43
4
A.waaxaha wasaaradaha
97
14
08
119
5
G/guurtida
45
10
27
82
6
G/wakiilada
56
13
13
82
7
Wakiilada debedda
10
03
00
13
8
M.cashuuraha beriga
11
00
01
12
9
M. kastamada
07
01
02
10
10
M. Bangiyada
07
01
04
12
11
Badhasaabada
08
01
04
13
12
H .ciidanka Boliska
20
01
02
23
13
H .ciidanka qaranka
32
09
02
43
14
T. qaybaha boliska
12
03
03
18
15
Madaxda.c.Asluubta
31
02
05
38

420
70
89
579
BOQOLKIIBA INTA LA KALA LEEYAHAY
ISAQ
GEDABURSI
OTHERS
73%
12%
15%
Mudane madaxweyne waxan si xushmad iyo sharaf leh kuula socodsiineynaa in gobollada awdal iyo salal ee beelaha gedebuursi ku nool yihiin ay ka hawlgalaan madax iyo shaqaale u badan gobollada kale ee Somaliland halka aanay jirin ama ay yar yihiin madax iyo shaqaale ka soo jeeda awdal salal oo lagu meeleyay gobollada kale ee Somaliland sida ku cad shaxda hoos ku qoran
Eeg shaxda hoos ku qoran:
Wasaarada maaliyada ee Gobolada Galbeedka.
Kastanka saylac
Tirade guud ee shaqaalaha 22 qof
Maamule- beesha dhexe( H/jeclo)
Maamule xigeen beesha dhexe(c/abokor)
Shaqaalaha 18 beesha dhexe
2 beesha awdal
Kastanka asho-cado
Tirada guud ee shaqaalaha 14
Maamule : beesha dhexe Jibril abokor
Maamule xigeen :ciise
Tirade shaqalaha 12 beesha dhexe
Beesha awdal 0
Kastanka lawyacado
Tirade guud 9 qof
Maamule : ciise
Maamule xigeen: beesha dhexe
Beesha awdal 0
Ciise 1
Shaqaale 8 qof
Kastanka xariirad
Maamule : ciise
Shaqaale 4 ciise
Beesha awdal :0
Ciidanka ilaalilnta cashuuraha
t.saylac : isaaq
t.ashacado ciise
t.lowyacado isaaq.
Samaroon 0
Poliska
Taliyaha qaybta :beesha dhexe(arab)
t.xigeenka: ciise
t.saldhiga : beesha dhexe(H/jeclo)
Imigrationka lawyacado
Shaqaale 15 qof
Taliyaha Beesha dhexe(cida gale)
t.xigeen: Beesha dhexe(sacad muuse)
2 askari samaroonAWDAL
Xisaabiyaha dawlada ee gobolka awdal
Maamulaha bangiga borama
Xeer ilaaliyaha gobolka
Gudoomiyaha maxkamada racfanka
Gudoomiyaha gobolka awdal
Sacad muuse
Gurgure
Wargsangali
H/jeclo
H/jeclo
Maamule ku xigeenka kastmka
Maamulaha cashuuraha bariga
H/jeclo
H/jecloMaroodi jeex
Kastamka kalabaydh
Shaqaale 28 qof
Maamule Beesha dhexe(cida gale)
26 shaqaale beesha dhexe
Kastanka wajaale
21 qof
Maamule beesha dhexe( sacad muuse)
Beesha awdal 0
Kastanka abaarso
17 shaqale
Maamule beesha dhexe (arab)
Beesha awdal 0
Kastanka hargaysa
Total 34
Maamule isaaq (H jeclo)
Maamule xigeen (beesha awdal)
Shaqaale 32 beesha dhexe
Samaroon 0
Cashuuraha bariga hargaysa
Maamulaha gobolka beesha dhexe
5 Degmo maamukooda beesha dhexe
Shaqaalaha degmooyinka 109 qof
Isaaq beesha dhexe 101
Beesha awdal 8
Cashuuraha bariga hargeisa
11 rugood
11 Maamule isaaq
Kastanka berbera ( saaxil)
Totalka shaqaalaha 71 qof
Maamule beesha dhexe (arab)
m/xigeen ciise muuse
69 shaqaale beesha dhexe
Samaroon 0
Laamaha ciidanka taliyeyaasha ciidanka booliska ee salal
Taliyaha qeybta
Habar yoonis
Taliyaha saldhiga Saylac
Sacad muse
Talliyaha ciidanka turubatariyada
Arab
Talliyaha turubatariyad caasho cado
Ciido gale
Taliye xigeenka turbatariyada
Jibri abokor
Taliyaha turubatariyada ee lowyacado
Jirbi abokor
Taliye xigeenka turubatariyada lowyacado
Habar jeclo
Madax jeekinka ee turubatariyada saylac
Jibri abokor
Shan kale oo ka hooseeya ilaalinta cashuuraha
Sacad muse
Fiiro gaar ah:
Madaxda iyo shaqaalaha ku meelaysan Gobolka salal boqolkiiba sagaashan in kabadan waa isaaq oo u badan sacad muse iyo arab halka ciise iyo gedebuursi ay yihiin in ka yar boqolkiiba toban taasi oo ay fuliyeen wasiirka maaliyada iyo taliyaha booliska Somaliland intii ka danbeeysay doorashooyinkii golaha deegaanka degmada saylac.
Madaxda iyo shaqaalaha gedabuursi ee ku meelaysan gobollada kale ee dalka:
ü Badhasaabka Gobolka saxil
ü Taliyaha qaybta booliska sool
ü Maamule ku xigeenka kastanka Hargeysa.
ü Labo Sarkaal oo ka tirsan immagrationka Hargeysa
Waxa kale oo xusid mdan in aan shaqaale lanoo qorin muddadii xisbiga kulmiye talada dalka ku guuleeysaty gaar ahaan wasaarada maaliyada sida ku cad shaxdan
Wasaarada maaliyada
Tirada shaqaalaha wasaarada maaliyada waqtigii udub 436 qof
Maxamed xaashi wuxuu qoray 176 qof oo isaaqa 176 qof oo isaaqa
Cabdicasis samale wuxuu qoray 734 qof oo isaqa oo mushaa qaata iyo 5 qof oo gedabursi ah
Shaqaale temporary ah 47 qof isaaqa
Qodobo kala duwan
Waxan aaminsanahay in dalka jabuti qaxooti innagaga maqan aanay jirin hadiise ay wax uuni jiraan cid kasta ha ahaadeene waxan ku talineyaa in lagala tashado dadka wada dega deegaanada lagu celinayo ee ay sheegtaan inay hore uga qaxeen si looga fogaado dad cusub in lagu beero deegaano aanay horay uga qaxin ee lagu doonayo dhul ballaadhsi taasi oo wax u dhimi karta xasiloonida iyo nabadgelyada dalka.
Waxa si nasiib darro ah u dhacday dadkii xaalado nabadgelyo uga qaxay gobolka awdal sannadihii 1990-1991 markii la soo ceshay inaan dib u dejin loo sameynin sidii kuwii beelaha dhexe ee lagu magaaleyey gobollada togdheer iyo marood jeex. Waxan ku talineynaa in dadkaasi oo eheladooda ku dul nool qaarna ku tacdareysan yihiin meelo kale duwan oo salal/awdal in dib u dejin loo sameeyo si noloshood loo daryeelo
Caafimaadka
Shaqaalaha caafimaadka ee gobollada awdal iyo salal waxa ka maqan gunnoyin muddo sannada, kaddib markay gobollada ka qaxeen hayadihii gunneyn jiray sida coopi ,world vision iyo kuwa kale , waxan codsanaynaa in loo raadiyo hayado xarumaha caafimaadka ee gobolka ka caawiya adeega caafimaad iyo gunoyin ay shaqaaluhu ku shaqayn karaan.
Sidii uu wasiirku madaxtooyadu ugu qorsheeyey gunno si dag dag ah u helaan shaqaalaha caafimaadka markuu arkay xaalada lasoo deristay , waxan taageereynaa qorshahasi si looga samato baxo xaalada qalafsan ee xarumaha caafimaadka gobollada awdal iyo salal sidoo kale xarumaha gobolka iyo degmadu ee wasaarada caafimaadka waxay ka aradan yihiin gaadiid caafimaadka oo loogu adeego iyo ambulance loogu gurmado bukaanka.
Dad La Qabqabtay
Mudane madaxweyne waxa la yaab ku noqotay ummadda degan Awdal iyo Salal dadka muwaadiniinta oo sida joogtada ah looga qab qabto magaalada Boorama loona soo gudbiyo magaalo madaxda Hargaysa ugu danbeeyna loo gacan galiyo dawladaha jaarka sida Jabuti arrintasi oo aan ka dooneyno jawaab cad oo ku saabsan muwadiniinta xaaladooda halkay jaan iyo cidhib dhigeen.
Ciidanka Booliska
Qeybaha saldhigyada booliska ee awdal iyo salal wax ka jirta tirada ciidanka , saldhigyada iyo rugaha booliska oo aad ugu yar iyo imkaaniyaadka hawl fulinta oo ku yar sida gaadiidka , shidaalka iyo qalabka ciidanka.
Deeqaha, Shaqo Qorista Iyo Hayadaha Caalamiga
Waxa saluug xoogani ka jiraa saamiga gobolku ka helo deeqaha waxbarasho , gargaarka raashinka , shaqo qorista shaqaalaha dawlada iyado gobolka guddiga shaqalaha aan xubintii uu lahaa loo wareejay beel kale , sidoo kale gobolka kuma sugno hayado samafal oo caalami ah oo ka qayb qaata horumarka gobolka.
Cabasho ku Wajahan Wasiirka Waxbarashada.
Mudane madaxweeyne waxan si xushmad leh kuugu soo gudbinayaa cabasha ku wajahan wasiirka waxbarashada marwo samsam oo faragelin weyn ku haysa xuduud goboleedyada soo jireenka ah ee u dhexeyn jirtay degmooyinka hargeysa iyo borama oo ay degmooyin kaleeto ka farcameen iyadoo shiishka ku haysa tuulooyinkii ismaan dhaafku muddada ka jirey oo ay dadaal ugu jirto in ay ku darto gobolka hargeysa iyago ka tirsan degmada lughaya wasiirka oo ku soo gabbanaysa hawlaha waxbarashada ee deegaanadaasi ay dooneyso in laga maamulo gobolka hargaysa arrintaasi oo wax u dhimi karta sugidda nabadgelyada iyo xasiloonida dadweynaha.
Xubnaha Hogaanka Dhaqanka ee Beelaha Gedabursi
Suldan abdirahman jaamac dhawal ________________________ Gudoomiye
Suldaan xasan xadi axmed_______________________________
Suldaan ibraahim jaamac samatar ________________________
Suldaan Ibrahim cabdi riiraash___________________________
Suldaan muuse sheikh cumar x.cabdilahi________________________
Suldaan nuur axmed jibriil________________________
Suldaan muuse cilmi dugsiiye________________________
Suldaan abshir maxamed ducaale________________________
Suldaan maxamed cabdi xasan________________________
Caaqil axmed cabdi cige________________________
Caaqil axmed suldaan aadan________________________
Caaqil abuubakar daahir jimcaale________________________
Caaqil maxamed jaamac xaddi________________________
Caaqil cilmi faarax wacays________________________
Caaqil cismaan barkhad xirsi________________________
Caaqil xasan muuse cabaase________________________
Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil

COMMENTS