July 18, 2014 | Posted by admin


Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu maanta uu waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo, uu ka guddoomay Safiirka South Korea ee Somaliya Amb. Choi Dong You.

Kulan ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayuu Madaxweynaha Somaliya uu ku qaabilay Danjire Choi Dong You, kaasoo noqonaayo Safiirkii labaad ee South Korea u soo magacawdo Somaliya, tan iyo sanadkii 2013-ka.

Safiirka cusub South Korea ee Somaliya, ayaa markii Madaxweynaha Somaliya uu ka guddoomay warqadaha Danjirenimo kaga mahadceliyay Madaxweynaha, sida loo soo dhaweeyay.

Choi Dong, ayaa iftiimiyay imaatinkiisa Magaalada Muqdisho iyo magacaabidiisuba inay qayb ka tahay xiriirka iyo wax wada qabsiga ee Dowladaha Somaliya iyo South Korea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Dowladda South Korea kaga mahadceliyay sida ay u xoojineyso xiriirka kala dhaxeeya Somaliya.

COMMENTS