April 5, 2014 | Posted by admin

Dagaal Xooggan oo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka socda Deegaanka Ceel cade ee Duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu Xiligaan uu ka soconayo Deegaanka Ceelcade oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Ceelmacaan.

Waxaa lagu soo waramayaa in Dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 7 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ee halkaa ku Dagaalamay, sida ay u sheegeen saxaafada dadka deegaanka. Sidoo kale, Saciid Cumar Axmed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa noo Xaqiijiyey in Dagaalka uu socdo islamarkaana Ciidamada Dowladda uu u dhaxeeyo.

Wali lama sheegin Sababta Dagaalka keentay, ayadoona Warar kale ay sheegayaan in uu ka bilowday ka dib markii Ciidamo Isbaaro dhigtay iyo kuwa qaadayey ay isku dhaceen.

Waxii warar ah ee ka soo kordha dagaalkaas kala soco isha wararka duhur.com

COMMENTS