October 12, 2017 | Posted by admin

Maantoo kale 12-kii October sanadkii 1954-tii ayeey aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee Calanka Buluugga ah ee u eg samada xiddigta Shan geesoodka ahna ku leh bartamaha waa Calanka kaliya ee loo aqoonsanyahay Jamhuuriyadda Federalka Somalia.

Waxaa Maanta oo kale la sameeyaa Dabaal degyo Waa wayn oo ku aadan in sare loo qaado Markii Ugu Horeesay ee Soomaaliya ay Calan Yeelato.

Dhaqan ahaan Waxaan si wayn u xusnaa Maal-maha Taariikhiga ah, Si loo Muujiyo Maal maha ku wayn Quluubta shacabka.

12 Oktoober Maanta oo kale ayaa La hindisay Waxuuna Soo Maray Marxalado Kala duwan iyadoona Dad Badan ay dhiig Udaadiyeen.

Gumaysi Farabadan ayuu lahaa Dalkeena Kuwaan oo Usoo Halgamay in ay Dhulka dhigaan Calankeena Sharafta Leh, lakiin Waxaa Jiray Rag farabadan oo dhiig usoo daadiyay Difaaca Astaan teena Qaranka.

Suugaan Kala duwan ayaa Lagu cabiray Calankeena Waxaana ka mid ahaa Calankeena Buluuga ah ee Xidigta Dhexda Looga Shambeeyay, Iyo suugaan Kala duwan oo dadka Qaar marka ay maqlaan ku reebaya Murugo.

Intaa ka dib Maanta waxaa La filayaa in Madaxda Dowlada ay ka qayb qaataan Xafladaha loogu Dabaal degayo Astaanta Qarankeena,

Muqdisho Waxaa Lagu wadaa in Lagu qabto Dabaal degyo ku aadan 12 Oktoober ee sanadkaan.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS