December 24, 2012 | Posted by admin

Waxaa galabta dib looga celiyey magaalada Garowe illaa shan nabadoon oo ka timid magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kuwaasoo ku soo jeeday magaalada Garowe oo ay beryahan odayaal badani ku soo qulqulayeen.

Nabadoonadan oo watay baabuur yar ayaa markii ay soo gaareen kontoroolka Garowe waxaa ishortaagay ciidamadii ku sugnaa kontoroolka oo ku wargeliyey in amar ka yimid madaxtooyada Puntland lagu faray in nabadoonada aysan gelin magaalada Garowe.

Ciidamadii hubeysnaa ee kontoroolka joogay iyo odayaasha ayaa is afdhaafay kadib markii ay odayaashu ku adkeysteen inay muwaadiniin yihiin ayna xaq u leeyihiin inay si xorriyad leh ay ku galaan magaalada Garowe oo ay sheegeen inay tahay caasimada u dhexeysa dadkoo dhan.

Dood iyo muran kadib waxay ciidamadii kontoroolka Garowe ku sugnaa ay bilaabeen inay xoog ku kexeeyaan odayaasha, waxaana intii isjiidjiidku socday ay ciidamadii garaaceen Nabadoon Cabdi Siciid Ibraahim oo sida caawa naloo xaqiijiyey garabka uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii mindida qoriga afkiisa ku jirta looga surey kalxanta midig.

Waxaa kaloo halkaa dhaawac uu ku soo gaarey darawalkii baabuurka waday oo isaga iyo nabadoonkaba caawa lagu daweynayo magaalada Qardho oo ay dib ugu laabteen.

Labo gaadiidka dagaalka ee tiknikada loo yaqaano ayaa nabadoonada iyo baabuurkooda markii dambe xoog ku kexeeyay dibna ugu celiyey dhanka magaalada Qardho oo ay caawa ku sugan yihiin.

Odayaasha maanta laga soo celiyey Garowe waxay kala yihiin;-

1- Nabadoon Yuusuf Dubbe oo wafdiga hogaaminayey
2- Nabadoon Cabdi Siciid Ibraahim (oo hadda dhaawac ah)
3- Nabadoon Maxamed Cilmi
4- Nabadoon Cismaan Xaaji Faarax
5- Nabadoon Siciid Cabdi Siciid

Nabadoon Dubbe oo la hadlay saxaafada

Goordhow oo fiidnimadii ahayd ayaa saxaada telefoonka kula hadlay nabadoonada mid ka mid ah oo dib looga celiyey Garowe oo ku laabtay Qardho, waxaana telefoonka ku warbixiyay Nabadoon Yuusuf Dubbe oo ahaa odaygii hogaaminayey nabadoonada ka timid Boosaaso ee Garowe laga soo celiyey.

“Lix baanu ahayn waxaanu ka nimi Boosaaso, anagu nabadooda ah waxaanu ahayn 5 nin, ninka lixaadna wuxuu ahaa darawalkii baabuurka noo waday, markaanu gaarnay kontoroolka Garowe ayaa waxaa na joojiyey nimankii askarta ee meesha joogay, waxay nagu yiraahdeen xagge ku socotaan, waxaanu sheegnay inaanu Garowe ku soconno, markaa waxay nagu yiraahdeen magacyadiina waanu heynaa baabuurkiina taargadiisana waanu heynaa ee soo dega.” ayuu yi nabadoon Yuusuf Dubbe oo caawa u waramay saxaafada.

Wuxuu nabadoonku intaa ku daray in markii ay ka soo degeen baabuurka lagu wargeliyey inaysan Garowe geli karin oo amar ka soo baxay madaxtooyada looga mamnuucay.

“Makay nagu yiraahdeen magaalada geli meysaan baanu kula doodnay inaanu nahay muwaadiniin xaq u leh inay caasimada tagaan, haddiiba feer iyo dagaal bey nagu bilaabaan,… adiga meeshaa labo nin oo nin yahay nabadoon baa nooga dhaawacantay…” ayuu sii raaciyey.

Nabadoon Yuusuf Dubbe wuxuu saxaafada u xaqiijiyey [markii aanu la hadleynay] in isaga iyo afartii nabadoon ee kale oo midi dhaawac yahay [Nabadoon Cabdi Siciid Ibraahim] ay hadda wada joogaan magaalada Qardho.

Kumuu ahaa sarkaalka watay ciidanka jirdilay odayaasha?

Nabadoon Yuusuf Dubbe ayaa sheegay in ciidanka jirdilka u geystay odayaasha uu hogaaminayey sarkaal lagu magacaabo Cali Daahir oo ninka qeybta Nugaal u qaabilsan booliska Puntland kuwaasoo kontoroolka u tagay si ay odayaasha halkaasi ugu sugaan.

“Waxaanu ka mid ahayn ergadii  ka qeybgali lahayd shirka masiirka Puntland looga arrinsanayo.” ayuu yiri mar uu ka jawaabay sababta ay Garowe ugu socdeen.

Waxaanu weydiinay maxaa xal ah mar haddii la idinka soo celiyey Garowe?

“Dee waxaanu la tashaneynaa dhaqanka kale ee reer Puntland annagu haddaanu nahay reer Bari, waxaa naga jooga odayaal badan oo qaarkood Garowe jiraan… kuwa kalana waa soo socdaan. Koley mar haddii caasimadii la diiday in odayaashu ku shiraan dee waxay illa tahay in shirka Qardho lagu qaban doono.” ayuu yiri nabadoon Dubbe oo caawa u waramay saxaafada Puntland.

Ciidamada Puntland oo fulinaya amarka madaxtooyada ayaa shalay xiray nabadoono illaa afar gaaraya oo isugu jira kuwa Bari iyo Mudug waxaa hadda xiran nabadoon Cabdisamad

Sidoo kale ciidamada ayaa maalinimadii Khamiista dib u celiyey ergo la socotay Cabdicasiis Boqor Muuse oo ka yimid Qardho xilli ay galayeen Garowe.

Waxaa kaloo weli xiran Cabdikafi Xassan oo ahaa maareeye ku xigeenkii Hay’adda Daryeelka Bulshada oo labo jeer la xiray, maanta xabsiga dhexe loo gudbiyey isagoo aan wax xukun ahi ku dhicin. Cabdikaafi oo ah nin indhool ah kana yimid markii hore wadanka UK ayaa loo xiray kadib markii uu ka qeybqaatay soo dhoweyntii Wakiilka Boqorka Burhaan Boqor Muuse iyo wafdi isimo reer Puntland ah oo ka yimid Muqdisho.

COMMENTS