March 10, 2012 | Posted by admin

DUHUR-London:  Dowladda Ingiriiska  ayaa sheegaty inay gacanta ku dhigtay nin ay ku sheegtay in uu  mal galinayay Ururka Al Shabaab ee dagaalada ka wada Soomaaliya.

Ciidamo sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Ingiriiska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Shabaas Xuseen oo si weyn ugu taageeri jiray Ururka Al Shabaab dhinaca lacagaha si ula dagalamaan ciidamada DKM Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegaty in Shabaas Xuseen oo da’diisu tahay 28-sano jir uu ku taageray Al Shabaab lacag dhan 9000-kun oo Pound  oo ah lacagta dalka Ingiriiska sanadahii  2010-2011 ee lasoo dhafay.

Sidoo kale eedeysanahaani ayaa la sheegay in lagu hayo maxkamad ku taalo bariga  magalada London ee xarunta dalka Ingiriska, waxana la sheegay in lagu xukumay xabsi gaarayo ila iyo 5-sano iyo 3-bilood oo xarig ah.

Shabaas Xuseen ayaa la xusay  inay kasoo heleen gurigii uu daganaa Cajalado Fiidiyow ah oo ay ku duuban yihiin Usama Binladin iyo kooxo kale oo argagixisa ah oo hanjabada u jedinayo Maraykanka iyo Ingiriiska.

COMMENTS