December 1, 2012 | Posted by admin

Afar qof ayaa ku geeriyootay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dhashay markii labada maleeshiyo ay isku qabsadeen muran ku aadan xoolo ay horay u kala dhaceen.

Nabadoonno ku sugan Gelinsoor ayaa Bar-ulan u sheegay in ay wadaan waan waan ku aaddan sidii loo kala dhex geli lahaa beelaha dagaallamaya.

Deegaanka Kaxandhaale waxa uu qiyaas ahaan 70 km u jiraa deegaanka Gelinsoor ee gobolka Mudug, caawana way xasilloon tahay.

COMMENTS