February 18, 2013 | Posted by admin

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in sadex ruux caawo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wararka hor dhac ah ayaa sheegaya in Sadexdan ruux la dilay caawo fiidkii, waxaana lagu dilay xaafada Israac ee Waqooyiga magaalada Gaalakcyo, halkaasoo ay gacanta ku hayaan maamulka Puntland.

Ilaa hada lama oga cida dilka ka dambeysay iyo halka ay un baxsadeen, waxaana wararka ay sheegayaan in Rag ku hubeysan Bastoolado ay fuliyeen dilalka gaar gaarka ah.

Wararka laga helayo magaada Gaalkacyo ayaa sheegaya in caawo magaalada ay tahay mid kacsan kadib marki la dilay sadexda nin, waxaana ciidamada amaanka ay wadaan xaqiijinta amaanka.

COMMENTS