November 12, 2012 | Posted by admin
Askari ka tirsan ciidamada AMSIOM oo lug ku maraa meel ka tirsan Warsheekh. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhowaan Warsheekh ka saraay al-Shabaab.

Saddex qof ayaa ku dhimatay, lix kalena way ku dhaawacantay dagaal beeleed shalay ka dhacay degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay muran dhul oo dhex-maray beelaha dagaallamay, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska Warsheekh, Dhamme Maxamed Axmed Cag-madhige ayaa ugu baaqay beelaha dagaalku dhex-maray inay dirirta joojiyaan, isagoo tilmaamay in waxa lagu dagaallamaya aanay u qalmin in dhiig lagu daadiyo.

Taliyaha wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso ciidamo kala dhex-gala beelaha dagaalamaya, isagoo culimada ugu baaqay inay dhex-dhexaadin sameeyaan.

Warsheekh waxay Muqdisho u jirtaa qiyaastii 65 kilo mitir oo dhinaca xeebta ah.

COMMENTS