December 1, 2012 | Posted by admin

Ugu yaraan 25 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay 30 kalena waa ay ku dhaawacantay dagaal ka socda tuulada Mareer oo qiyaastii 100 km u jirta magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed, wuxuuna salka ku hayaa muran la xiriira baraago biyaha laga cabbo oo la sheegay in la duugay.

Madaxa arrimaha bulshada maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay dagaalka loo kala qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla deegaannada Ceel-garas iyo Cadaado oo maleeshiyada dagaallamay ay ka soo kala jeedaan.

Cumar wuxuu sheegay inay qorsheynayaan sidii ay ku kala dhex gali lahaayeen beelaha dagaallamaya.

Warar ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan kooxda al-Shabaab ay gaareen goobta uu dagaalka ka dhacay, waxayna isku dayayaan sidii ay u kala dhex gali lahaayeen beelaha dagaallamay.

Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaan weli ka hadlin dagaalka ka socda deegaanka Mareer ee gobolka Galgaduud.

COMMENTS