July 8, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Howlgallo lagu sugayay ammaanka oo maanta laga sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu soo warramayaa in lagu xiray dad ku dhow 200 oo qof, kuwaas oo la tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Baydhabo ee maamulka gobolka Baay Sandheere Maxamed Iftiin ayaa galabta warbaahinta u xaqiijiyay in dadka la soo qabtay ay ku xiran yihiin saldhigga booliska ee Baydhabo, halkaas oo su’aalo lagu waydiinayo.

Howlgallada ayaa laga sameeyay xaafadaha Isha Baydhabo, Horseed, Berdaale iyo Buulo-nuuriya, wuxuuna guddoomiye ku-xigeenku sheegay in dadka la soo qabtay dhowaan maxkamad la soo taagi doono.

Labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ayaa ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo, wixii markaas ka dambeeyayna wuu soo hagaagayay ammaanka magaalada.

COMMENTS