February 25, 2015 | Posted by admin

100 nin oo u dhashay dalka Itoobiya, ayaa waxaa lagu xiray Magaalada Nairobi, ka dib markii lagu eedeeyay in si sharci daro ah ku soo galeen dalka Kenya.

Noah Katumo, Madaxa Waaxda Booliska Kenya ee ka hortagga dembiyada, ayaa sheegay in raggaasi ay xalay ka qabteen deegaanka Tasia, ee duleedka Magaalada Nairobi.

Katumo, ayaa raggaasi ku eedeeyay inay ku sii jeedeen dalka Koonfur Afrika, isla-markaana ay dalka Kenya u adeegsanayeen marin ahaan.

Talaadadii maanta, ayaa la horkeenay Maxkamad ku taala Nairobi, ha yeeshee dacwadooda waxaa dib loo dhigay ilaa Arbacada, markii la waayay turjubaan, raggaasi oo aan garanayn luqad aan ahayn midda Amhariga.

Kenya ma sheegin haddii ay gacanta ku dhigtay iyo haddii kalaba, dadkii tahriibinaayay boqolka nin ee u dhashay dalka Itoobiya.

COMMENTS