Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaannada Golaha Shacabka aanay niyad-jab ku keeni doonin falalka argagixisada, saacado kaddib dilka xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino).
Xildhibaanka ayaa saaka ku geeriyooday qarax miino oo gaarigiisa lagu xiray, xilli uu ka soo baxay xarunta shirkadda Hormuud ee degmada Xamarweyne.
Jawaari ayaa sheegay in xildhibaannada iyo guddoonka baarlamaanka ay ka mideysan yihiin inaysan marnaba niyad-jabinin falalka argagixisada oo aysan hakinin howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa caafimaad u rajeeyay xildhibaan Maxamed Cali Dhuux oo ku dhaawacmay qaraxa lagu dilay marxuum Riino, isagoo tacsina u diray ehellada iyo qoyska xildhibaanka geeriyooday.